Cabdi Raxmaan Cabdi shakuur oo aan weli qalbigiisu ka go’in weerarkii 17-kii December 2017-kii Ciidanka NISA ay gurigiisa ku qaadeen ayaa walaac xooggan ka muujiyay is beddelka cusub ee lagu sameeyay ciidanka NISA ee gobolka Banaadir iyo xilka taliska Booliska Gobolka ee loo dhiibay Saadaq John oo ahaa Sargaalkii weerarray hooyga C/raxmaan cabdi shakuur sababna u ahaa in Siyaasiga Xabsiga la dhigo Maxkamadna uu ka soo hormuuqdo isagoo gacanta dhaawac uu ka soo gaadhay
C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa Qoraalkaa hoose kusoo qoray Bartiisa Facbeook-ka.
Sharaf dhac ayey ku tahay magaca iyo maqaamka Booliska Soomaaliyeed in shakhsiyaad dadka iyo dalka danbi ka galay xil sare looga dhiibo. Waxaa kaloo sumcad dil ah in Booliska oo hawshiisu ahayd ka hortaga danbiyada laga dhigo goob loogu raad tiro danbiilayaal laguna meeleeyo maleeshiyeed kusoo fashilmay masuuliyadkoodii qaybna ka ahaa caburinta shacabka iyo weerarka siyaasiinta.
Talaabadani waxay dhabarjab ku tahay heshiiskii Hindisaha Amniga Qaranka (National Security Architecture), gaar ahaan Barnaamijika Wadajirka ah ee Boolisnimada heer maamul Goboleed iyo mid Federaal ah (A Joint Policing Programme (JPP). Waxaan ugu baaqayaa Baarlamaanka, gaar ahaan gudiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha in ay arrinkaas dabagal ku sameeyaan.