Imaaraat markuu ka Quustay in uu la heshiiyo dowaldda dhexe ee soomalia iyo danaha uu ka lahaa madaxda cusub ee dalka hoggaamineysa ayaa waxa uu ka badan waayay in dowladdaha Eritrea iyo itoobiya usoo adeegsado in soomalia ay kala hadlaan oo ay dhex dhexaadiyaan labada dal si meesha looga saaro khilaafka cirka isku shareeray ee u dhaxeeya soomalia iyo Imaaraat-ka Carabta.
Sidoo kale Dowladda Itoobiya ayaa kaalin muuqata ka qaadaneysa in Soomalia ay la heshiiso Imaaraat-ka iyadoo loo maraayo Dariiq labada dal ay isugu soo dhawaan karaan taasi oo soomalia u oggolaan doono in aan midnimadeeda la faragalin siyaasadda gudahana uusan Imaaraat-ka faragalin ku yeelan.
Casuumaadda Madaxweynaha Eritrea uu u fidiyay Madaxweyne Farmaajo waxaa kaalin muuqata ku lahaa Ra’isul wasaaraha Itbooya Abiy ahmed oo qorshahiisa cusub ka dhigaya in Dalalka Geeska ay isku soo dhawaadaan isagoo si gaar ahna u fulinaya danaha Xukuumadda Abu dhabi.
Imaaraat laftiisa kaalin ayuu ku lahaa socdaalka madaxweyne Farmaajo uu ku tagay Asmara waayo Imaaraat wuxuu abu dhabi ku casuumay abiy ahmed iyo Isaias Afwerki markaas ayaana la go’aamiyay in madaxweyne farmaajo lagu casuumo Asmara Eritrea-na ay dhex dhexaadiso soomalia iyo Imaaraat=ka.
Dowladda Soomalia ayaa Xaqiijisay in Eritrea ay Kaalin weyn ka qaadaneyso Dhex dhexaadinta Somalia iy Imaaraat-ka sida uu VOA-da u sheegay Wasiirka Warfaafina Soomalia Daahir Maxamuud Geelle.
Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ahaa mid mugdi galay, tan iyo wixii ka dambeeyay bishii April ee sanadkan markii Ciidamada ammaanka Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen lacag gaareysay 10-milyan oo u socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.