Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedMadaxweyne Farmaajo oo Ururka ONLF ka Raali galiyay Dhiibistii C/kariim Qalbi Dhagax

Madaxweyne Farmaajo oo Ururka ONLF ka Raali galiyay Dhiibistii C/kariim Qalbi Dhagax

Kadib kulan aan caadi aheyn oo xalay Magaallada Asmara ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Ururka ONLF Maxamed Cumar Cusmaan waxaana kulankaas uu madaxweyne Farmaajo uu ku gudbiyay Raali galn ay dowaldda Soomalia ka bixineyso dhiibistii C/kariim qalbi dhagax oo kamid ahaa saraakiisha Ururka ONLF.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in Ururka ONLF uusan aheyn Urur argagxiso balse uu yahay urur aq u dirir ah oo wadaniyiin gobonimo doon ah.
Guddoomiyaha Ururka ONLF Maxamed Cumar Cusmaan oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Ururka raali gelin ka siiyay xarigii C/kariin (Qalbi-dhagax), kadib kulan ay labadooda yeesheen.
“Kulanka wuxuu ahaa mid ku soo dhamaaday guul, waxaan isla gaarnay in si wadajir ah loo wada shaqeeyo, arrintaas waxaan u maleynaya in golaha wasiirada ay ku dhawaaqeen, balse Baarlamanka ayaa sheegay in Ururka aanu aheyn Argagixiso, Madaxweynaha horeyna wuu u sheegay inuu aqoonsan yahay oo uu racsan yahay go’ankii Baarlamaanka, Madaxweynaha wuxuu inoo sheegay inuu arrintaas ka xun yahay raali gelina ka bixinayo.” Ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Cumar.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments