Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa la sheegay in markii ugu horreeysay uu ka soo hormuuqan doono Sargaal sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka kaasi oo lagu eedeeyay Musuq maasuq iyo xadtooyo lacag.
Taliye ku-xigeenkii hey’adda NISA ee dhawaan Shaqada laga joojiyay C/qaadir Maxamad Nuur Jaamac ayaa lagu eedeyay in uu lunsaday lacag mushaar ahaan loogu tala galay ciidanka NISA oo malaayiin doollar gaareysa sida illo xog oggaal ah ay sheegayan.
Waxyaabaha lagu soo eedeeyay taliye xigeenka NISA waxaa kamid ah in Guri weyn uu ka gatay Dagmada Cabdul caziiz meel u dhaw Safaaradda Jabuuti waxaana la sheegay in guri cabirkiisu yahay 20X20. qiimahiisana lagu sheegay $87,000 sideetan iyo Todoba kun oo Doolarka Mareykan ah.
Sidoo kale waxaa hadda xabsiga ku jira agaasimihii dub u dejinta barakacayaasha ee wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka oo lagu eedeyay falal musuq maasuq iyo in uu lunsaday hanti dowladdeed.