Xisbi Siyaasaddeed ay ku wada jiraan Mas’uuliyiinta Dalka hoggaamineysa ayaa goordhaw Muqdisho looga dhawaaqi doona waxaana guddoomiye looga dhigi doona Madaxweyne Farmaajo.
Xisbigaan loolan adag oo dhanka doorashada ah la geli doono xisbiyada kale ee siyaasadda marka la gaaro sanadda 2020-ka.
Ra’isul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi |Guulleed oo ka hadlaayay xisbiga dhawaan lagu dhawaaqi doono ayaa waxa uu yiri’
“Waxaa laga dhawaajiyay in dowladdu ama Xukuumaddu Xisbi furato, Waxaan soo wadnaa Xisbi weyn oo ah xisbiga xisbiyada oo uu hormuud u yahay Madaxweyne Farmaajo, waxaa lagu hoggaamin doonaa Siyaasaddii Guushii 8 February, marka hala iska jiro, yaan la idin gaadin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.
Xisbigaan oo noqon doona xisbiga xisbiyada waxaana lagu hoggaamin doona Siyaasaddii Guushii 8 Februay waxaa ka soo dhexmuuqan doona siyaasiyiin badan oo qaarkood ay hadda dowladda xilal ka hayaan iyo kuwa aan xil heynin waxaana tani ay tartan xooggan galineysa xisbiyada kale ee dalka ka jira una diyaar garoobaya doorashada la filaayo in dalka ay ka dhacdo Inshaa’allah.