Tiro Madaafiic ah ayaa lagu garaacay qeybo kamid ah Dagmada Baraawe ee Gbolka Shaneellada Hoose.
Madaafiicda badankood waxa lala beegsaday gudaha saldhig ku yaalla deegaanka Ambareeso ee duleedka dagmada Baraawe oo xiligaas ay taagneyd diyaarad Helicopter ah oo sahay Milatari u siday Ciidamada Amisom.
Mid kamid ah Madaafiicda waxa uu ku dhacay goob maqaaxi ah waxaana la xaqiijiyay in Hal ruux uu ku dhintay waxaana mas’uuliyadda weerarkaas madaafiicda ah sheegtay Alshabaab.
Maamulka Gobolka shabeellada hoose ayaa ka hadlay Madaafiicda Alshabaab ku garaacday Saldhigga Amisom waxaana guddoomiyaha Gobolka uu sheegay in aysan marnaba waxba ka badeleyn joogitaanka ciidanak Amisom ee Baraawe iyo Horumarada ka socda guud ahaan Gobolka shabeellada hoose.