Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedDaawo Sawirro: Ra'isul wasaare Kheyre iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo oo gaaray Magaallada...

Daawo Sawirro: Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo oo gaaray Magaallada Qardho

Magaallada Qardho ee Gobolka Bari waxaa Maanta gaaray Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomalia Mudane Xasan Cali Kheyre oo safar ku maraya Deegaannada dowlad goboleedka Puntland.

Safarka Ra’isul wasaaraha waxaa ku wehlinaayay qaar ka mid ah Madaxda Golayaasha Dowladda federaalka Soomaaliya iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta ugu sarreysa Puntland.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ka ambabaxay Magaalada Garoowe ,ayaa waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay Magaalada Qardho, qaar ka mid ah Madaxda maamul Goboleedka Puntland, Duubabka dhaqanka iyo Dad weyne aad u tiro badan, kuwaas oo ruxayay caleemo qoyan iyo Calanka Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare kheyre ayaa uga mahad celiyay Boqor Burhaan Boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi Marti-soorka iyo Qaabilaadda hufan ee ay ku qaabileen Ra’isul wasaaraha Iyo Weftigii la socday.

  

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments