Thursday, March 30, 2023
HomeUncategorisedGaroonka Diyaaraddaha Muqdisho oo saakay Lagu xiray Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland

Garoonka Diyaaraddaha Muqdisho oo saakay Lagu xiray Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya Muddo saacado kooban ah oo saakay garoonka diyaaraddaha aadan Cadde lagu xiray Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland ahna Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabi Kaahin.

Guddoomiyaha ayaa ka soo laabtay shirkii arrimaha soomalia ee ka dhacay Magaallada  Brussels, waxaana sababta garoonka loogu xiray lagu sheegay in laga shakiyay baasaboorka diblomaasiga oo uu ku safray mas’uulka Hey’adaha ammaanka garoonka diyaaradaha iyo Waaxda Socdaalka ayaana amar ku bixiyay in la xiro guddoomiyaha inta laga hubinaayo baasaboorkiisa.

Baasaboorka Diblomaasiga kaliya waxaa la siiyaa mas’uuliyiinta dowaldda iyo shaqaallaha dowladda waxaana lagu bixiyaa hubin badan iyo aqoonsiga qofka la siinaayo baasaboorkaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Wasiirka Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad ayaa si degdeg u soo farageliyay xaalada ka dhalatay xarigiisa, kuwaasoo wada hadalo kaddib ku guuleystay in la sii daayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments