Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa soo bandhigtay yabooh qandaraas oo shirkadaha la doonayo in ay ku tartamaan sidii loosoo daabici lahaa calanka Soomaaliya ee saxda ah.
Wasiirka wasaaradda Maxamed Xayir Maareeye oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-dii, in siyaabo qaldan loo daabacayay calanka, taasna la doonayo in hadda laga gudbo.
“Warqadaas anaga ayaa soo saarnay, waxaana jirta in tan iyo burburkii ay dadka iska gadanayeen maro kasta oo buluug ah, xitaa waxaa jira dad calanka ku dhigay xiddigo dheeraad ah” ayuu yiri wasiirka oo qadka taleefoonka noogu waramay isaga oo Muqdisho ku sugan.
Warqadda ay wasaaradda soo saartay ayaa waxaa shirkadaha looga codsanayaa in ay la yimaadaan qorshe sax ah oo ku saabsan soo daabicista calanka Soomaaliya, waxaana shirkadda laga doonayaa in ay keento naqshadda, iyo waxyaabaha uu ka koobanyahay calanka.
Adeegsiga calanka

Calamada la doonayo waxaa ka mid ah kuwa la suro xarumaha dowladda sida wasaaradaha, safaarada , kuwa gaadiidka la surto iyo xitaa biraha guluuska oo kale ah ee lagu dhejiyo jaakadaha.
Wasiirka Maareeye ayaa BBC-da u sheegay in shirkadda guuleysata la siin doono shati 10 sano ah, taas kaliyana ay ahaan doonto tan sharci ahaan dadka gudihiisa ka ganacsan karta calanka Soomaaliya iyo agabkiisa kale.
“Shirkaddii kale ee keenta calanka kadib marka tartanka dhammaado waxaa loo aqoonsanayaa in ay sharciga ganacsiga burisay” ayuu yiri Maareeye.
Waxa kale oo uu sheegay in ay dowladda ka iibsan doonto calamada shirkadda guuleysata “haddaba dowladda waa ay soo iibsataa calamada, gaar ahaan marka ay xafladaha qaran jiraan” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in shirkaddaha laga doonayo in ay iyagu maalgashiga sameeyaan.
Waa kee midabka saxda ah ee calanka Soomaaliya?
Sida ku xusan heesta calanka Soomaaliya, waxaa erayadeeda ka mid ah “Qolaba calankeedu waa cayn, inaga keenu waa cirkoo kale, oo aan caadna lahayn”. Meeris kale oo isla heesta ah ayaa ka hadlaysa xiddigta shanta geeska leh.

Sidaasi darteed wasaaradda ayaa soo saartay midabka saxda ah ee calanka Soomaaliya, waxana ay sidoo kale soo saartay middabada aan saxda ahayn ee calanka, kuwaas oo dadka intooda badan ay isticmaalaan.
Goobaha calanka la suro
Calanka waa astaan qaran kasta oo adduunka ka jira, sidoo kale waa astaan dowladnimo, madax banaani iyo mid ummaddeedba.
Calanka Soomaaliya waxaa soo hindisay nin la oran jiray Maxamed Cawaale Liibaan 12-kii Oktoobar, 1954-tii. Markii uu dalka xornimada qaatay 1-dii Luuliyo, 1960-kii ayaana la meelmariyay in uu noqdo calanka jamhuuriyadda Soomaaliya.
Waxaa calanka la suraa iskuulaadka, saldhigyada booliiska, wasaaradaha, madaxtooyada, safaarada, xarumaha laamaha socdaalka, xudduudada iyo meelo kale oo muhiim ah.
Balse inta badan meelahaas waa uu ka maqanyahay hadda, waxaana lagu arkaa goobo aad u yar oo dowladdeed.
