Khilaaf dhanka maamulka iyo awoodaha maamul ayaa waxa uu ka dhexjiraa duqa caasimadda Eng yariisow iyo ku xiggeennadiisa ee maamulka gobolka banaadir.
ku-xigeennada Eng Yariisow oo si toos ah ugu xiran xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa isku arka in ay awood ku leeyihiin gobolka taasi oo shaki galineysa awoodda eng yariisow.
Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulah) Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Amniga iyo Siyaasada, Xuseein Maxamed Nuur Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Maamulka & Maaliyada iyo Cumar Abdirisaak Xuseen, Xoghayaha Guud ee Ggobolka Banaadir ayaa la sheegay in aysan shaqada uga dambeyn Eng Yariisow, una arkaan qof la siman ama ayaga ay ka sareeyaan, ayaga oo isku haleynaya awood isaga ka sareysa, sida aan xogta ku heleyno.
Eng yariisow ayaa u taag la’ tallaabooyin isaga uusan ka war-hayn oo ku xigeennadiisa ay sameeyaan waxaana taasi ay keentay in shaqadii gobolka ay curyaanto oo horumarradii gobolka ka socday maamulkii kan ka horeeya ee Thabit laga sii amba qaadi waayay halkii ay joogtay.