Madaxii Shirkadda Startup Grind Maxamed Maxamuud Sheekh Cali “Dable Pilot” ayaa goordhaw kooxo hubeysan waxa ay ku dileen magaalada muqdisho.
Dableey hubeysan ayaa rasaas ku furay gaari uu watay marxuumka waxaana durbadiiba goobta ka baxsatay kooxdii dilka geestay.
Maxamad wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo aas aasay shirkad dhalinayarada ku dhiiro galisay gacansiga waxaana dilkiisa ka hadlay Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Mudane Xasan Cali kheyre oo Ka tacsiyadeeyay Geerida Marxuumka.
Ra’isul wasaaraha ayaa faray shacabka in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hortago falalka lagu cuuryaaminaayo horumarka.