Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedXasan Shiikh Maxamuud" Walaalaha Reer Jabuuti Waxaan leenahay Hiil Walaal Ma Hungoobo"

Xasan Shiikh Maxamuud” Walaalaha Reer Jabuuti Waxaan leenahay Hiil Walaal Ma Hungoobo”

Madaxweynihii hore ee soomalia mudane xasan shiikh maxamuud ayaa ka hadlay dhaleeceynta ka soo yeertay dowladda jabuuti ee ku aadan baaqii madaxweyne farmaajo uu ku baaqay in cunaqabateynta hubka laga qaado dalka Eritrea.

Xasan Shiikh ayaa sheegay in loo baahanyahay xiriir wanaagsan oo dhexmara soomalia iyo Eritrea balse loo baahanyahay in la dhowro walaalladeen jabuuti.

Halkan hoose ka akhriso 

Waa tallaabo dhanka fiican loo qaaday haddii dowladda Soomaaliya ay hagaajineyso cilaaqaadka aan la leennahay dowladaha iyo shucuubta gobolka.

Hase yeeshe, shacabka iyo dowladda reer Jabuuti waxay naga mudan yihiin in aan dhowrno oo aan ugu hiillinno jiritaanka dalkooda iyo dowladnimadooda. Suurtagal nagama aha in ay nala sahlanaato dhammaanshaha dhulka reer Jabuuti iyo geesiyaasha wali dagaalka lagu la’yahay. Waxay naga mudan yihiin inaan ugu hiillinno sidii ay noogu hiilliyeen oo ay waligood noo garab taagnaayeen oo ay ugu dambeysay ragga iyo gabdhaha HIIL WALAAL ee naftooda Soomaaliya u huray. Dadnimada iyo damiirkuba waxay noo tilmaamayaan inaan laga abaal dhicin.

Bani’aadamka hadiyad uu bixiyo waxaa ugu qaalisan NAFTA. Reer Jabuuti xoog iyo xoolo kaliya naguma garab istaagin ee naf iyo dhiig ayey noo hureen.

Madaxdeennu ma isweydiyeen meeqa CARRUUR ah ayaa aabbayaashood ku waayay Soomaaliya. Sidoo kale meeqa MARWO AYAA SAYGII AY JECLAAYEEN ku waayay Soomaaliya ama meeq HOOYO ayaa wiilashii ay jeclaayeen ku waayay u hiillinta jiritaanka Soomaaliya.

Haddaba, Madaxda dalkeenna waxaan ugu baaqayaa iney dib u eegis dhab ah ku sammeeyaan MOWQIFKA ay ka qaateen arrimaha u dhaxeeya Jabuuti iyo Ereteriya.

Walaalaha reer Jabuutine waxaan leeyahay:

“HIIL WALAAL MA HUNGOOBO”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments