Iyadoo ciidamada federaalka itoobiya saakay ay la wareegeen magaalada jig jiga ayaa waxaa ka dhalatay xiisad iyo rabshado.
Rasaas ayaa laga maqlaya qeybo kamid ah magaalada waxaana jira dibad baxyo rabshadeysan oo ay sameynayaan shacabka dowlad deegaanka soomalida itoobiya.
Boqolaal qof ayaa la sheegay in ay dhaawacyo ka soo gaareen boobka iyo rabshadaha ka socda Jigjiga, laakinse lama soo sheegin dhimasho.
Meelaha qaar Bililiqo ayaa laga soo sheegaya sidoo kale waxaa la gubay kaniisad weyn oo magaalada ku tiilay.
Madaxweynaha dowlad deegaanka itoobiya cabdi maxamad cumar oo tan iyo saakay la la’aa halka uu jaan iyo cirib dhigay ayaa la sheegay inuu ku sugan xarun ay ciidanka Liyuu Boolisku leeyihiin.
Wax u muuqda afgambi ayaa ka socda Jig Jiga kaasi oo meesha looga saaraayo maamulka Cabdi maxamad cumar.