Ciidamo Milatari ah oo ka socda Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa la wareegay qeybo kamid ah Magaallada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya kadib xiisad halkaa ka taagan.
Ciidamada ayaa hadda ku sugan xarunta baarlamaanka iyo Xarunta taleefishinka ESTV iyadoo warar madax banaan ay sheegayan in hoggaamiyaha maamulka jig jiga cabdi maxamad cumar qorsheynaayo in uu ku dhawaaqo madax banaani baarlamaankana kulan deg deg ah yeesho.
Gudaha magaalada Jig jiga waxaa ku wada sugan ciidamada Liyuu Boolis ee hoos-taga maamulka Jig jiga iyo ciidamada Federaalka waxaana laga cabsi qabaa in ay isku dhacaan.
Tan iyo markii uu is bedelka siyaasadeed ee dhanka awoodda uu ka dhacay Itoobiya ayaa waxaa yaraaday awooddii maamulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu hoggaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar, gaar ahaan xiriirkii uu la lahaa dowladda Dhexe.
Xiisada ka taagan Jig jiga ayaa cabsi ku abuurtay dadka deegaanka waxaana xusid mudan in hoggaamiyaha dowlad deegaanka looga yeeray Addis Ababa uuna diiday in halkaa uu tago.