Axmed Cabdi Cismaan waa wiil dhalinyaro ah oo ay dhaawaceen ciidamada jubbaland xili uu doonaayay in uu bambo gacmeed ku tuuro mid kamid ah saldhigyada ciidamada jubbaland ee magaalada kismaayo.
Ciidan dhar cad ah ayaa ku raad joogaayay ninkaan ka hor inta uusan bambada tuurin ayaana laga shakiyay waxaaana uu isku dayay in uu baxsado balse ciidanka ayaa xabad ku dhuftay oo dhaawacay sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha NISA Jubbaland.
Dhaawaciisa waxaa lagu dabiibaay xarun caafimaad oo NISA ay leedahay.