Qarax xooggan ayaa Daqiiqado yar ka hor ka dhacay Wadada Maka Al-mukarrama ee Magaalada Muqdisho.
Jugta Qaraxa oo aad u xooganeyd ayaa inta badan laga maqlay Xaafadaha Muqdisho.
Sida warar hordhac ah ay sheegayan qaraxa wuxuu ahaa gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay nawaaxiga maqaayada Italian Restaurant.
Muqdisho hadda waxaa ka da’aya roob waxaana qaraxa uu dhacay xili dadku roobka ka kala xaroonayeen.