Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedWararkii ugu dambeeyay qaraxii Muqdisho ka dhacay,tirada dhimashada iyo dhaawaca+Sawirro

Wararkii ugu dambeeyay qaraxii Muqdisho ka dhacay,tirada dhimashada iyo dhaawaca+Sawirro

Qarax gaari loo adeegsaday ayaa caawa fiidkii waxaa uu ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa wuxuu ka dhacay meel aan ka fogeyn maqaayad cusub oo lagu magacaabo somali coffee taasi oo dhawaan la furay waxaana ay ku taalla dhabarka dambe ee Shineema Somalia oo ka soo horjeeda baar Italia ee Isgoyska Shaqaalaha.

Inta la xaqiijiyay Dhimashada waa 4 Ruux iyo dhaawaca 7 kale oo dhammaantood shacab ah.

Daqiiqado ka hor qaraxa inta uusan dhicin waxaa da’ay roob oo dhalinyaradii kala xareeyay qaarkood maqaayada ayey gudaha u galeen qaarna xaafaddahooda ayey aaden kadib muddo 7-8 daqiiqo laga jooga ayuu qaraxa dhacay waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu goobta ku diyaarsanaa.

Bartilmaameedka qaraxa lama hubo halka uu ahaa waxaase xusid mudan in maqaayada uu nawaaxigeeda ka dhacay ay tahay mid aad u mashquul badan oo dhawaan la furay dhalinyaradana ay ku qaxweystaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments