Xeer ilaalayaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ka hadlay dacwada loo heysto Wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda Somaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud oo shalay la isku dayay in la xiro.
Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in maxkamadda awoodda u leh loo gudbin doonno Kiiska wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda oo hey’adha Fullinta Sharcigu ay baaritaanno ku wadaan hadda.
“Xafiisku markuu baaris ku sameeyey waxaa u cadaatay iney jiraan waxyaabaha uu soo gudbiyey hanti-dhowrka Qaranku”ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaanka Dr Axmed Cali Daahir.
Dhinaca kale Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa sheegay in Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda mudane Muqtaar Mahad Daauud loo heesto tagrifalka Hantida Qaranka.
“Masuulkaas oo uu magaciisu yahay Mudane Muqtaar Mahad Daauud ayaa sameeyey ku tagrifal aan wali wadankaan ka dhicin, isagoo ku xadgudbay shuruucda u dagsan maamulka Maaliyadda, qaasatan dakhliga wadanka usoo xarooda iyo sida loo maamulo iyo midka xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka”ayuu yiri Hanti-dhowraha guud ee Qaranka.