Xaalad degenaansho oo aan caga buuran ku taagneyn ayaa laga soo sheegaya magaalada Jig jiga ee Xarunta Ismaamulka Soomalida Itoobiya kadib Rabshado labadii maalin ee la soo dhaafay magaalada ka jiray.
Ganacsiga Magaalada hakad ayuu kujiraa oo dadku waxa ay ka baqdin qabaan in rabshadaha ay saameeyaan goobahooda ganacsi.
Dadka aan Soomaalida ahayn ee ku sugan magaalada Jigjiga ayaa isku aruursanaya Kiniisad wayn oo ku taalla magaalada Jigjiga iyaga oo wata burar iyo baangado,Waddooyinka ay kiniisadahaasi ku yaalaan ayaa go’an iyadoo laga cabsi qabo in ay rabshado ka dhacaan.
Gawaari ay cod baahiyeyaal ku xiran yihiin ayaa magaalada gaafwareegaya kuwaasi oo dadka lagaga dalbanayo in ay is dajiyaan rabshado dambana aysan gaysanin.
Ciidamada Liyuu boolis ayaa waddooyinka lagu arkaya sidoo kale ciidamada milatariga ee Federaalka ayaa kor kala socda xaalada magaalada, iyadoo weli xarumaha muhiimka ah ee maamulka ay joogaan Milatariga Federaalka Itoobiya ka socda.
Wada hadalo lagu soo afmeeraayo xiisadahaan ayaa gudaha magaalada ka socda kaasi oo u dhaxeeya xubno ka socda dowladda Itoobiya iyo Maamulka dowlad deegaanka waxaana madaxweynaha maamulka jig jiga lagu cadaadinaya in uu dhaqsi isu casilo si rabshadaha ay u joogsadaan.
Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka