Guddiga joogtada ee golaha shacabka BJFS ayaa maanta dhaariyay xubno cusub oo ka mid noqonaya golaha wasiirada Soomaaliya.
Kulanka dhaarinta oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo xubnaha guddiga joogtada.
Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku-xigeen Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo qaar ka mid ah golaha Wasiirada.
ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in xubnahaan cusub ay qeyb ka yihiin barnaamijka dardar gelinta xukuumada.
Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa wasiirada cusub kula dardaarmay iney si sax ah shaqadooda u gutaan.
Wasiirada maanta la dhaariyay waxa ay kala yihiin:-
- Mudane C/llaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare.
- Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
- Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.
- Mudane Saqar Ibraahim Cabdalle Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.