Dowladda Soomaaliya ayaa qaadatay mowqif taageero ah oo ay ku taageerayaan Sacuudiga, khilaafka kala dhaxeeya Canada.
Mowqifka dowladda ee sacuudiga lagu taageeray waxaa ka dhalatay dood weyn oo shacabka soomaaliyeed ah iyadoo siyaasiyiin dalka iyo dibadda ku sugan ay ku tilmaameen go’aan ay dowladdu ku deg degtay.
Xubanaha dowladda ku jira sida Golaha Wasiirada, Xildhibaanada labada aqal, taliyeyaasha ciidamada iyo agaasimayaasha qaar waxay heystaan dhalashada dalka Canada.
Ilaa 7 wasiir oo Golaha Wasiirada Soomalia ka tirsan ayaa heysta Dhalashada Dalka Canada oo Dowladda Soomalia ay uga hiilisay Boqortooyada Sacuudiga.
Xildhibaano, Senatoro, Saraakiil Ciidan iyo Agaasimayaal ayaa sidoo kale heysta Dhalashada Dalka Canada.
1- Wasiirka arrimaha dibadda axmad ciise cawad, 2- wasiirka waxbarashada Goodax barre, 3- wasiirka Dastuurka C/raxman xosh jabril, 4- wasiirka qorsheynta Jamal Maxamad Xasan, 5- Wasiirka haweenka iyo xuquuqulka Insaanka Deeqo Yaasiin, 6- Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamad Salad Oomaar, 7- Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Saalax axmad Jaamac.
Sidoo kale Taliyaha NISA Xuseen Cismaan wuxuu heystaa dhalashada Dalka Canada.
Haddii Dowladda Canada Qoonsato mowqifka dowladda soomalia ay ku taageertay sacuudiga waxaa macquul ah in mas’uuliyiinta iyo muwaadiniinta soomaaliyeed ee heysta dhalashda dalkeeda in saameyn ay ku yeelato.