Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedImaaraatka Carabta oo qorsheynaya in uu dhis dhuun shidaal oo isku xiri...

Imaaraatka Carabta oo qorsheynaya in uu dhis dhuun shidaal oo isku xiri doonta Itoobiya iyo Eritrea

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa qorsheyneysa inay dhiseyso dhuun shidaal oo isku xira magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo magaalada Dekeda leh ee Assab, iyadoo tani ay dhabar jab ku noqon karto dowladda Jabuuti oo marin ganacsi u aheyd Itoobiya.

Heshiiska oo ka dhacay magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa lagu kala saxiixday in dhuunta shidaalka laga soo talaalo Dekadda Casab xarun looga dhigo Ethiopia.

Tallaabada Imaaraadka Carabta ku dhisayo dhuun shidaal oo isku xirta Addis Ababa iyo magaalada Assab ee Ertirea ayaa qeyb ka ah heshiisyo saddex geesood ahaa oo dhex maray dowladaha Imaaraadka, Itoobiya iyo Eritrea.

Heshiiska Imaaraadka iyo Ethiopia ee lagu talaalayo dhuunta shidaal ayaa caqabad ku noqon doonta dowlada Jabuuti oo xiriir aad u xun uu iminka kala dhexeeyo Eriterea iyo Imaaraadka.

Qorshaha Imaaraadka ayaa ah in ganacsiga dhanka shidaalka ay soo mariso dalka Eritrea halka ay markii hore kasoo marin jirtay Dekadda Jabuuti.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments