Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Somalia Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa maalinta axada ee berri ah ku wajahan Gobolada dhexe ee Somalia.
Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa uu ka bilaabanaya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud halkaas oo uga qayb gali doono Gogol nabadeed oo lagu heshiisinayo Madaxda Galmudug oo waaydaan dambe khilaaf uu hareeyay.
Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu booqan doona magaallooyinka Cadaado iyo Galkacyo waxaana safarkiisa uu qaadan doonaa dhowr maalmood.