Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedMuddo Bil ah oo aysan Shaqeynin Xarumihii Wasaaraddaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha

Muddo Bil ah oo aysan Shaqeynin Xarumihii Wasaaraddaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha

Muddo bil ah ayaa laga joogaa weerarkii Alshabaab ay ku qaaday Xarunta Otto Otto oo ay dagnaayeen wasaaraddaha amniga iyo arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka.

Xarunta oo weli aan la dayactirin ayaa waxaa ka muuqda burburkii ay ku reebteen qaraxyadii mataanaha ahaa ee xarunta lagu weeraray waxaana gabi ahaan istaagay howshii labada wasaaraddood ay xaruntaasi ka wadeen.

Xafiisyada ay ku shaqeynayeen wasiirada amniga iyo arrimaha gudaha ayaa aad u burbursan waxaana la isweydiinaya sababta dowladdu u dhisi la’dahay xarumaha muhiimadda intaa la’eg uleh dowladda oo hadana muddo bil ah aan lagu shaqeynin.

Xarunta Otto Otto ee Wasaaraddahan ay degan yihiin, sidoo kale waxaa ku yaalay taliskii laga hagi jiray Isgaarsiinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments