Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedJabahadda ONLF oo Xabad Joojin Hal dhinac ah ku dhawaaqday

Jabahadda ONLF oo Xabad Joojin Hal dhinac ah ku dhawaaqday

Jabhadda ONLF oo Muddo Tobonaan sanno ah Dagaal kala soo horjeeday Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday Xabad joojin Iskeed ah oo aysan dowladda Itoobiya qeyb ka aheyn.

Xabad Joojinta ayaa dhaqan galeysay Maanta oo taariikhdu tahay 12ka Bisha August Saacaduna aheyd 12ka Duhurnimo.

“Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF, oo BBC u warramayey isagoo jooga Nairobi.

“Waxaan diyaar u nahay in maadaama dadkayagu ay muddo dheer dulmi tirsanayaan, in miis dushii lagu xalliyo dhibaatooyinka aan tirsanayno oo aaya ka talin ka mid tahay oo nabad gelyo ka mid tahay, oo xuquuqo badan oo kale ka mid yihiin” ayuu sii raaciyey Caddaani.

Wuxuu sheegay in arrinta xabbad joojinta halka dhinac ah ay isla soo qaadeen dawladda Itoobiya.

Itoobiya weli wax jawaab ah kama aysan bixinin baaqaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments