Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa diiday in Dammaanad lagu sii daayo C/shakuur Aadan Maxamuud oo ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda mudo todobaad ahna u xirnaa eedeyn Musuq maasuq.
Qareennada u doodayay Eedeysanaha ay sheegeen in uu qabo Xanuunka Macaanka Xabsigana uusan ku sii jiri karin Balse Maxkamaddu waa ay diiday Codsigaas waxaana ay amartay in xabsiga dhexe dib loogu celiyo.
“Maxkamadda Gobolka Banaadir maanta oo ay taariikhdu tahay 13-8-2018,waxay u fariisaneysaa dhageysiga codsiga dammaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud oo mudo todobaad ah u xirnaa arrimo la xiriirka masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa,” waxaa sidaa sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macallim Maxamed.