Ciidamada Kumaandoosta Soomalia oo garabsanaya Ciidamo Mareykan ah ayaa hadda weerar cir iyo dhul ah ku qaaday deegaanka Basre hoostaga Dagmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Gantaallo ayaa lagu garaacay saldhig Alshabaab ay ku leeyihiin deegaanka waxaana xigay ciidamo hubeysan oo soomali iyo ajnabi isugu jira oo diyaaraddo qumaatiga ukaca kasoo daatay kuwaasi oo gudaha u galay deegaanka.
Dhawaan ayaa diyaaraddo helicopter ah waxa ay warqaddo digniin ah ku daadiyeen deegaanka basra iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobollada shabeellada dhexe iyo shabeellada hoose.