Thursday, March 30, 2023
HomeUncategorisedMaleeshiyaad Alshabaab ka tirsan oo Weerar soo qaaday ayaa gacanta lagu dhigay

Maleeshiyaad Alshabaab ka tirsan oo Weerar soo qaaday ayaa gacanta lagu dhigay

Ciidammada Xoogga Dalka ayaa gacanta ku dhigay Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku soo qaadday fariisin ay ku lahaayeen ciidanka deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho.

Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka hortagay weerar gaadmo ahaa oo ay soo qaadeen shan nin oo ka tirsan Al-shabaab oo gacanta lagu dhigay iyadoo mid ka mida uu dhaawac yahay.

Sarkaal ka tirsan qeybta 12-ka April ayaa xaqiijiyey in ay heleen xog ku saabsan Maleeshiyo dooneysay inay Weerar kusoo qaadaan, wuxuuna sheegay in ciidanka ay qabteen gaarigii Argagaxisada ay wateen oo isu soo ekeysiiyey Gaadiid Safar ah.

Shanta nin ee gacanta lagu dhigay ayaa loo soo qaaday magaalada muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments