Ciidamada ammaanka jubbaland ayaa garoonka diyaaraddaha Kismaayo ku xiray Saraakiil dowladda Federaalka ay usoo magacowday Taliska Nabad Sugidda Jubbaland.
Labadan sarkaal oo ay sawiradoodu hoos idiinka muuqdaan waxaa lagu kala magacaabaa Cali Mire Ducaale (Taliyaha NISA Jubbaland) , iyo Maxamed Ibraahim (ku xigeen) , waxaana Saraakiishan ay caawa ku jiraan Xabsi ku yaala garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaga oo maalinta barri ah dib loogu celin doono magaalada Muqdisho.
Axmad madoobe ayaa kujira xaaladdii ugu xumeyd isagoona wajahaya culeys siyaasaddeed oo uga imaanaya gudaha jubbaland waxaana bilowday kacdoonno isaga xilka looga qaadaayo.
Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Axmad Madoobe ee Jubbaland ayaa hadda meeshii ugu xumeyd jooga lamana oga halka ay ku dambeyn doonto.