Horjoogaha Gabalkiisa uu sii dhacaayo ee Jubbaland Axmad Madoobe oo Maanta Kismaayo dib ugu laabtay ayaa si cad u sheegay in ay jareen Xiriirkii Dowladda Dhexe ay la laheyd Jubbaland.
Axmad Madoobe wuxuu sheegay in Jubbaland aysan wax xiriir ah la laheyn dowladda Federaalka oo dalka oo dhan ka talisa.
Dowladda Federaalka ayuu ku sheegay in amni darrada dalka ka jirta ay iyadu ka dambeyso waxaana hadalkiisa uu u muuqday mid uu isaga yareeynaayo culeyska siyaasaddeed ee ka heysta jubbaland iyo kacdoonka kusiga looga tuuraayo ee dhawaan ka curtay deegaannada Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa ka hadlay saraakiil ay magacawday dowladda Federaalka oo ka tirsan NISA oo laga soo celiyay magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay inaysan dowladda Federaalka wax xiriir ah iyo wadatashi kala sameyn magacaabista saraakiishaasi.