Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Axmad madoobe ee jubbaland ayaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareeraya iyadoo hoggaamiyaha gabalkiisa uu sii dhacaayo ee jubbaland madoobe uu doonaayo in dowladda dhexe uu ka hor keeno jubbaland maadama isaga uu meesha ka sii baxaayo.
Axmad madoobe ayaa ka talinaya in jubbaland uu ka horgeeyo dowladda dhexe isagoo danahiisa u gaarka ah ku ilaashanaayo wuxuuna doonaya in dowladda dhexe ay jubbaland u aragto maamul wadiiqada toosan ee sharciga aan oggolen.
Dastuurka Dalka u yaala ayaa qeexaya awooddaha dowladda federaalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah.
Qodobbada 53aad iyo 54aad ee dastuurka dalka ayaa qeexaya awooddaha Dowladda Dhexe iyo dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.
Dowlad Goboleedyada waxa ay xaq u leeyihiin in lagala tashado arrimaha kaalmada Caalamiga ah, Ganacsiga, arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah, iyo awood qeybsiga Siyaasadeed iyo tan dhaqaale.
Dowladda Federaalka waxaa ay gaar u leedahay Afar Qodob oo kala ah:-
1-Difaaca Qaranka.- Magacaabid iyo xil ka qaadid Taliye Federaal iyo Dowlad Goboleed.
2-Siyaasadda lacagta.
3-Jinsiyadda iyo socdaalka.
4-Arrimaha dibadda.
Dowlada Somalia ayaa u madaxbanaan in xilalka taliyayaal ay u magacawdo cida ay u aragto inay kasoo bixi karto mas’uuliyadaasi iyadoo Ilaalineysa Difaaca Qaranka.
Haddaba sida muuqata axmad madoobe ayaa ku fashilmay in uu si cad isaga horkeeno dowladda federaalka iyo Jubbaland waxaana siyaasiyiin iyo xubno maamulka ka tirsan oo kol horaba arrimahaan diidana ayaa hadda waxa ay sheegeen in marnaba aysan aqbaleyn dhibaatada madoobe uu jubbaland ku haayo iyo iska horkeena dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka jubbaland.