Saturday, March 25, 2023
HomeUncategorisedMadaxweyne Farmaajo oo Maalinta Berri ku wajahan Dalka Jabuuti

Madaxweyne Farmaajo oo Maalinta Berri ku wajahan Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomalia Mudane Maxamad C/llahi Farmaajo ayaa maalinta berri ku wajahan Dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Ilo xog ogaal ah oo Xafiiska Madaxweynaha ka tirsan ayaa xaqiijiyay safarka madaxweyne farmaajo ee dalka jabuuti.

Ujeedka Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay in ay tahay Dhex dhexaadinta Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Dalka Eritrea.

Wada hadal khadka Taleefanka ayaa horay u dhexmaray Madaxweyne farmaajo iyo Madaxweyne Geelle kaasoo lagu xalinayay mad madowga siyaasadeed ee labada dal soo kala dhex galay.

Booqashadii taariikhga aheyd ee Madaxweyne Farmaajo ku tagay Magaalada Asmara ayaa dhabaha u xaartay Wada hadallo iyo dhex dhexaadin dowladda Soomala ay ka dhex bilowday Jabuuti iyo Eritrea oo Khilaaf Dhowr sannadood ah uu ka dhaxeeyay.

Dowladda Jabuuti ayaa walaac ka muujisay hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo intii uu ku guda jiray booqashadii uu bishii hore ku tagay Asmara, kaasoo ahaa in laga qaado cunaqabateynta saaran Eritrea.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments