Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedCiidamada Amisom oo 10 Sanno Kadib ka baxaya Garoonka Muqdisho Stadium

Ciidamada Amisom oo 10 Sanno Kadib ka baxaya Garoonka Muqdisho Stadium

Muddo 10 Sanno ah oo ay degenaayeen Saldhigna u aheyd Ciidamada Amisom ayey Bilaabeen in ay ka guuraan Garoonka Muqdisho Stadium.

Ciidamada ayaa bilaabaya in ay garoonka ka baxaan saacadihii u dambeeyay waxaana taasi ay qeyb ka tahay qorshaha dowladda ay ku dooneyso in dib u dhis loogu sameeyo garoonka si dhalinyarada uga faa’iideystaan.

Ergeyga gaarka ah ee  Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Amb, Francisco Madeira, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ku sheegay inuu ammaanayo qorshaha lagu banneynayo Garoonka, isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in uu dib ugu laabto Gacanta Soomaaliyeed.

Garoonka Muqdisho oo la dhisay Sanadkii 1978-dii ayaa waxaa uu leeyahay qeyb kubadda cagta ah,Kolayga ,Dabaasha iyo Orodka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments