Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shir looga hadlaayo amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Alshabaab.
Diyaar garoowga shirka ayaa laga dareemaya Magaalada waxaana halkaa kusii qul quleysa xubnaha shirka ka qeyb galaya.
Shirka waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ciidan oo ka socda Taliska Ciidanka Xoogga dalka, sidoo kale Saraakiil dhanka Amniga qabailsan oo ka socota Qaramada Midoobey ayaa ka qeyb galaya.
Ajandayaasha shirka looga hadlaayo waxaa ugu waaweyn sidii la isaga kaashan lahaa qalabeynta ciidamada Dowlad goboleedka Galmudug iyo kuwa ahlusunna ee dhawaan lagu biiriyay galmudug iyo sidii howlgallo ka dhan ah alshabaab loo bilaabi lahaa.