Ciidamada Puntland ayaa dib ula wareegay deegaanka af-urur oo horay ay u qabsadeen kooxda alshabaab.
Deegaanka Af-urur oo gobolka bari ka tirsan waxaa ku sugnaay kooxda Alshabaab muddo badan balse hadda ciidanka puntland ayaa dib ula wareegay.
“Waaberigii ayaynu xoreynay degaanka Af-urur oo markii hore si kedis ah loogo soo baxay oo ay cadawgu yimmaadeen, cadowguna markii ay ogaadeen inaannu kusoo fool leennahay ayaa waxay sameeyeen sidii ay awelba yeeli jireen way ka carareen meeshi, wax iska caabbin ah oo naga hor yimidna ma jirin” ayuu yiri taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen; Axmed Cabdi Xaashi.