Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedDowladda Kenya oo Bil kasto Axmad Madoobe siisa Lacag dhan Hal Milyan...

Dowladda Kenya oo Bil kasto Axmad Madoobe siisa Lacag dhan Hal Milyan oo Dollar

Faarax Macalin oo soo noqday Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay bil walba dhaqaale siiso Maamulka Jubbaland.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in bil kasta dowladda Kenya ay siiso maamulka Jubbaland lacag dhan Hal milyan iyo bar oo dollar ah oo mushaar ahaan loo siiyo Ciidamada Jubbaland.

“Dowladda Kenya waxay bil kasta 1.5 milyan oo dollar siisaa Maamulka Jubbaland oo mushaar ahaan u siiyo Ciidamada Jubbaland oo gaaraya 7,000 askari”ayuu yiri Faarax Macalin.

Dhinaca kale Faarax Macallin, waxa uu Saraakiisha amaanka ee Kenya ka codsaday in baaritaan lagu sameeyo Ciidamada ka dambeeya dhibaatada joogtada ah ee loo geysto dadka rayidka ah.

Ciidamada Kenya ayaa Bishii la soo dhaafay kaliya la sheegayaa in lix Haween ah ay ku kufsadeen Gobolka Gedo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments