Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedMagaca iyo Calanka Dowlad Deegaanka Soomalida Itoobiya oo La bedelaayo

Magaca iyo Calanka Dowlad Deegaanka Soomalida Itoobiya oo La bedelaayo

Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar ayaa amray in magaca Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu badalo “Somali State” iyo in sidoo kale la soo celiyo calankii hore ee ay ku jirtay xidigta Somaliweyn.

Calanka ayaa qaybta dambe ku leh midab buluug ah oo ay dhexda kaga taallo xiddigta cad ee shanta gees leh, waxaana la joojiyey 8 sano ka hor, matrkii uu maamulka qabtay Cabdi Maxamuud Cumar.

Hotel ku yaalla magaalada Addis Ababa ayuu ugu sheegay dad lagu qiyaasay ilaa lixdameeyo qof in sidoo kale uu ka shaqaynayo sidii kalmadda Itoobiya looga reebi lahaa magaca dawlad deegaanka oo hadda ah Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, loogana dhigi lahaa dawlad Deegaanka Soomaalida.

“Cafarta oo degta Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea lama yiraahdo Cafarta Itoobiya, sidoo kalena Orommada oo degta Kenya iyo Itoobiya Lama yiraahdo Orommada Itoobiya, sidaa darteed iima muuqato sabab loo yiraahdo Soomaalida Itoobiya” ayuu yiri Mustafe Cagjar.

Wuxuu intaa ku daray in heesta calanka la soo celin doono qaybtii ku jiri jirtay ee ahayd Soomaaliyey toosa.

Maalmaha fasaxa ee dalka Itoobiya oo ah Sabtida iyo Axadda ayuu sheegay Mustafa in uu ka shaqayn doono inuu soo celiyo sidii jimcaha iyo Axadda looga dhigi lahaa deegaannada Soomaalida, ayadoo loo danaynayo Soomaalida iyo dadka aan muslimiinta ahayn.

Talaabooyinkan ayaa waxaa gadaal ka riixayey kooxda Dulmi diid ee ku kacsanaa nidaamkii Cabdi Maxamuud Cumar, dhaqan galintoodana waxay u baahanaysaa in la waafajiyo nidaamka dastuuriga ah ee u yaalla dawlad deegaa

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments