Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedMas'uuliyiin ka digay Muddo kororsi uu sameeyo Axmad Madoobe

Mas’uuliyiin ka digay Muddo kororsi uu sameeyo Axmad Madoobe

Iyadoo uu sii kordhaayo kacdoonka ka dhanka ah axmad madoobe ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in madoobe uu qorsheynaayo in uu mudo kororsi sameeyo si uu usii heysto kursiga.

Afhayeenkii hore ee Maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar ayaa ku eedeeyay axmad madoobe inuu wado caburin iyo dhibaatooyin uu u geysanayo dadka ku nool magaalada Kismaayo.

“Waxaa tuhun ka qabnaa in Baarlamaanka iyo Xukuumadda inay muddo kororsi sameeyaan, waxyaabaha taas caddeynta u ah waxaa ka mid ah, in aan la sheegin waqtiga doorashada dhaceyso iyo guddiyadii farsamo oo doorashooyinka oo aan la dhisin”ayuu yiri C/naasir Seeraar.
Seeraar wuxuu intaa ku daray in hamigii ay hiigsanayeen dadka jubbaland uu haadaan kasii dhacaayo taasina uu sababteeda leeyahay axmad madoobe.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments