Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo xalay kulan la qaatay saxaafadda maxalliga ee waddanka Itoobiya ayaa ka warbixiyay arrimo dhowr ah oo iminka ka tagaan dalka Itoobiya.
Abiy Axmed wuxuu sheegay in hubka laga dhigi doono ururrada ay dhawaan gogosha nabadeed u fidisay dowladda Itoobiya, isla markaasna laan u qaabilsan arrintaasi la yagleeli doono.
Wuxuu ugu baaqay ururradaasi inay ku dagaallamaan qalinka iyo fikradaha ay qabaan.
Mar wax laga weydiiyay Abiy Axmed, waxaa laga yeelayo mustaqbalka madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu sheegay in arrintiisa ay u taallo sharciga iyo caddaalada dalka Itoobiya.

“Waxaan ka war sugaynaa wixii caddaaladda ay ka tiraahdo iyo waxa uu mudan doono Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiintii dhibaatada gaysatay” ayuu yiri.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu sidoo kale sheegay in luqadaha maxalliga laga dhigi karo luqadaha ugu waawayn ee Itoobiya looga hadlo sii loo helo jiil afaf badan barta.
Sidoo kale, waxaa wax laga weydiyay ra’iisul wasaaraha, hadal baryahan la isla dhexmarayay oo ahaa inuu xanuunsaday markii uu joogay Mareykanka, wuxuuna ku jawaabay ” Aniga maba ihi dadka isticmaala dawooyinka mana soo gato dawo, waxaan aaminsanahay jimicsi iyo isboorti”
Ugu dambayn, Abiy Axmed wuxuu sheegay in dhibaato ay ka jirto xadadka maamulada dalka Itoobiya, isla markaasna guddi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalkaasi uu u xilsaaray ka shaqaynta dejinta xaaladaha ammaanka ee deegannada xadka.