Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedDaawo: 5 Sanno iyo 5-KM Maxaa Axmad Madoobe ku koobay Kismaayo? (...

Daawo: 5 Sanno iyo 5-KM Maxaa Axmad Madoobe ku koobay Kismaayo? ( Warbixin )

Marka laga hadlo dhaq dhaqaaqyada Ciidan iyo dib u xoreynta deegaannada jubbaland ee shabaab gacanta ku heyso waxaa aad u kala fog howlgallada xoreynta ah ee Axmad madoobe uu muddo 5 sanno ka badan ka waday deegaannada jubbaland iyo dhulka hadda gacanta ugu jira shabaab ee aad uga badan dhulka uu madoobe ka taliyo.

Axmad madoobe ayaa lagu eedeeyay in uusan dooneyn in alshabaab laga xoreeyo deegaannada ay jubbooyinka iyo Gedo ka maamulaan iyadoo ay taasi usii dheertahay weerarrada joogtada ah ee alshabaab kusoo qaado ciidamada jubbaland.

Muddo 5 sanno kabadan Axmad Madoobe wuxuu dhex fadhiyaa Kismaayo waxaana uu isku furtay kaliya Wadada Madaxtooyada ka baxda ee aada Garoonka diyaaraddaha kismaayo taasi oo ah 5 KM waxaana ay u dhigantaa 5 sanno iyo 5 KM.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa axmad madoobe ku eedeeyay in aysan dhab ka aheyn howlgallada iyo dagaalka alshabaab lagula jiro waxaana qaarkood ay carabka ku dhufteen in Madoobe iyo shabaab ay heshiis ka yihiin ku wada noolaanshiyaha Deegaannada Jubbooyinka iyo Gedo.

Deegaannada dhuxusha laga keeno oo ay badankod maamulaan Alshabaab ayaa waxaa qarashka ka soo gala dhoofinta dhuxusha loo kala qeybiyaa seddex qeybood, qeyb la siiyo Alshabaab . qeyb la siiyo Axmad Madoobe iyo qeyb ay qaadato Kenya.

Axmad madoobe 15-ka dagmo oo ay ka koobantahay wuxuu ka tagay kismaayo,doollow,buulo xaawo iyo deegaanno kaloo fara kutiris ah waxaana taasi u dhigantaa in %20 uu deegaannada jubbaland tagay %80-na uusan cagta saarin.

Tusaale haddii kismaayo aad ka soo tagdo ma imaan kartid afmadoow iyo qooqaani ilaa iyo dhoobleey sidoo kale Jubbada hoose iyo jubbada dhexe dagmooyin muhiim ah waxaa ay gacanta ugu jirtaa alshabaab oo muddoo sanado ah maamulayay.

Dhoofinta Dhuxsha oo ah isha ugu weyn ee daqliga uu ka helo axmad madoobe ayaa waxaa uu xoogga saaray sidii ay usii socon laheyd jarista dhirta iyo dhoofinta dhuxsha waxaana dhawaan uu sheegay siyaasiga faarax macalin in dowladda kenya ay bil kasto axmad madoobe siiso lacag ka badan 1.5 milyan oo dollar.

Axmad madoobe wuxuu cuuryaamiyay Dedaalka dowladda federaalka ay ku dooneyso in la xoreeyo deegaannada jubbaland waxaana dowladdu ay soo magacowday taliyaha guutada 43aad ee ka howlgasha deegaanada Jubbaland Cali Bogmadow balse axmad madoobe ayaa kismaayo ka celiyay taliyaha isagoona u sheegay in aysan dooneyn in dowladda federaalka ay faraha la gasho howlgallada deegaannada jubbooyinka isagoo ka baqdin qaba in wixii 5 sanno uu soo dhoob dhoobaayay hal bacaad lagu lisay ay ka noqoto ciidanka xoogga dalkana ay xoreeyeen deegaannada gacanta dowladda ka maqan.

Sidoo kale Axmad madoobe wuxuu kismaayo u diiday taliyaha nabad sugidda jubbaland ee dowladda ay soo magacowday iyadoo ay xusid mudantahay in taliska nabad sugidda jubbaland mas’uuliyiintooda ay Axmad madoobe ku garab siiyaan xasuuqa shacabka iyo gabood fallada kismaayo ka dhaca.

Haddaba 5 sanno iyo 5-KM maxaa Madoobe ku koobay Kismaayo waa su’aasha ugu badan oo ay is weydiinayaan dadweynaha jubbaland wax jawaab ahna uma haayo Hoggaamiyaha gabalkiisa uusii dhacaayo ee jubbaland.

Gabood fallada dhacay mudadii uu madoobe kismaayo jogay waxa ay la egtahay hirka badda iyadoo dadka si arxan darro ah loola dhaqmay qaarkoodna la buqna gooyay,haweenkooda oo la kufsaday carruurtooda oo xabsiyada lagu guray iyo indheer garadkooda iyo siyaasiyiintooda oo magaalada laga soo masaafuriyay intaas iyo ka badanba waa dhacdooyinka uurkutaalada reebtay ee lagu xasuusan doono axmad madoobe.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka

https://youtu.be/Lhg0EK7c0nQ

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments