Madaxweynihii Hore ee Dowlad Deegaanka Soomalida Cabdi Maxamad Cumar ayaa Xabsiga la dhigay Kadib Markii Ciidamada Booliska ay hooygiisa kala baxeen.
Sidoo kale Ciidamada Booliska ayaa xabsiga dhigay saraakiil badan oo la shaqeyneysay Cabdi maxamad Cumar.
Xafiiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar xabsiga loo taxaabay.
Dhawaan ayay ahayd markii baarlamaanka Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ay Cabdi Maxamuud Cumar ay xasaanadda kala noqdeen.
Sidoo kale dadka xasaanadda lagala noqday waxaa kamid ah:
Cabdijamal Qolombi : Xeer ilaaliyihii dowlad deegaanka
Raxma Maxamed : Wasiirkii haweenka iyo carruurta
Deeq Cabdullaahi : Wasiirkii Arrimaha Biyaha
Ibraahim Maxamed Mubaarak : Duqii Jig Jiga
Dambiyo waaweyn oo ka dhan xuquuqda aadanaha ayuu geestay cabdi maxamad cumar mudadii uu xukunka haayay waxaana uu xasuuq aan loo meel dayin kula kici jiray bulshada soomaaliyeed ee dowlad deegaanka soomaalida.