Ciidamada Ammaanka ayaa saakay xiray qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda muqdisho.
Meelaha ay ciidanka xireen waxaa kamid ah, Isgoyska Jubba, Daljirka, wadada 21-ka October, Ceelgaabta, iyo kuwa kale.
Ciidamada wadooyinkan xiray ayaa waxa ay yihiin ciidan wata dareeskii lagu yaqaanay ciidanka Xasilinta oo horey magaalada looga xareeyay, shacabka qaar ayaa is weydiinaya iyada oo magaalada Boolis lagu wareejiyay in hadana ciidankan lagu soo celiyo
Lama oga sababta loo xiray waddooyinkaan oo dhawaanahaaba furnaayeen waxaana gaadiidka dadweynaha laga ceylinaya dhammaan goobahaas aan kor kusoo xusnay