Thursday, March 30, 2023
HomeUncategorisedDEG DEG: Askari Dowladda ka tirsan oo Muqdisho ku dilay Mooto Bajaajle...

DEG DEG: Askari Dowladda ka tirsan oo Muqdisho ku dilay Mooto Bajaajle Dhalinyaro ah

Askari ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa wiil dhalinyaro ah oo mooto bajaajle ah ku dilay bartamaha isgoyska sanca ee magaalada muqdisho.

Askari iyo wiilka dhalinyarada ah ayaa sida la sheegay waxa ay ku murmeen lacago laga qaado mooto bajaajta waxaana askari uu xabad ku dhuftay wiilka dhalinyarada ah isla goobta ayuuna ku ruux baxay.

Falka dilka ah askariga geestay ayaa goobta ka baxsaday waxaana durbadiiba soo gaaray ciidamada dowladda oo baadi goob u galay askariga dilka geestay.

Askarta dowladda ayaa inta badan waxa ay beegsadaan dhalinyarada ku shaqeysata mooto bajaajta waxaana falalka lagu dilo darawalada mooto bajaajta ay muqdisho ka noqdeen kuwa aad u badan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments