Madaxweynihii hore ee soomalia mudane xasan shiikh maxamuud ayaa maanta soo gaaray magaalada caasimadda ah ee muqdisho.
Madaxweyne Xasan shiikh oo hadda ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa waxaa si diirran garoonka ugu soo dhaweeyay wasiiro,xildhibaanno iyo xubn horay xilal uga soo qabtay dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweynta Madaxweyne Xasan Sheekh u saartay wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga, kuwaasoo garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay.
Madaxweynaha waxaa la yimid C/kariim xuseen guulleed iyo xaaskiisa waxaana la sheegay in uu muqdisho u yimid dhisidda xisbi siyaasaddeed weyn oo u tartami doona doorashada dalka ka dhaceysa.