Qarax aad u xooggan ayaa goordhaw laga maqlay guud ahaan xaafaddaha magaalada muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay in lagu weeraray xarunta dagmada hodan ee gobolka Banaadir.
Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegay in lagu weeraray xarunta dagmada hodan.
Qaraxa kaddib ayaa la maqlay rasaas culus oo u muuqata mid la is weydaarsanayo, welina si dhab ah looma oga xaalada.
Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa mana jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Qaraxaan wuxuu noqonayaa kii labaad oo bil gudaheed lagu weeraro xarumaha dagmooyinka gobolka banaadir 2-dii bishaan ayey aheyd markii qarax xooggan alshabaab ku weerartay xarunta dagmada Howlwadaag Maantana waa dagmada Hodan.