Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan weerar ismiidaamin ah oo saakay barqadii lagu qaaday xarunta dagmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday ismiidaamiye naftiisa haligay ayaa lagu dhuftay halka laga soo galo xarunta dagmada.
Guud ahaan waxaa bur bur xooggan uu soo gaaray xarunta dagmada Hodan ee qaraxa lala beegsaday iyo dhismayaal ka agdhawaa xarunta oo uu kamid yahay Masjid.
Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa waxaana la xaqiijiyay dhimashada 5 ruux iyo dhaawac tiro ka badan dhimashada.
Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaan lagu weeraray xarunta Dagmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.