Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedQarax ka dhacay Muqdisho oo lagu dhaawacay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia

Qarax ka dhacay Muqdisho oo lagu dhaawacay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka soomalia ayaa lagu dhaawacay qarax caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo lagu xiray gaari uu watay Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud oo loo yaqaano (Boorow) ayaa waxaa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn Madaxtooyada Villa somalia.

Koontaroolka laga ilaaliyo madaxdooyada ee ku yaala Tiyaatarta ayuu qaraxa ka dhacay waxaana ku dhaawacmay Xildhibaanka iyadoo qaraxa uu ku dhintay Darawalkii gaariga u waday Xildhibaan Booroow.

Dhaawaca xildhibaanka ayaa la sheegay in uu aad u daranyahay waxaana loola cararay cisbitaalka digfeer ee magaalada Muqdisho.

Alshabaab weli kama aysan hadlin qaraxaan caawa ka dhacay Muqdisho ee lagu dhaawacay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomalia.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments