Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedQaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug oo Xilkii ka qaaday Madaxweyne ku xigeenka...

Qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug oo Xilkii ka qaaday Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas

Wararka aynu hadda ka heleyno magaalada dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in kulan ay maanta halkaa ku yeesheen xildhibaanada Galmudug ay xilkii uga qaadeen madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamad Xaashi Carabey.

Illaa 140 Xildhibaan ayaa u codeeyay mooshinka xil ka qaadista Madaxweyne kuxigeenkii Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, kaddib mooshin doodiisa socotay 3 maalin.

Sida muuqata mooshinkaan xil ka qaadista ah ee madaxweyne ku xigeenka galmudug ayaa waxa ay jawaab u tahay mooshinkii Cadaado ee xilka looga qaaday Madaxweyne Xaaf.

Maxamed Xaashi Carabey oo ku sugan Cadaado ayaa sheegay in xil ka qaadistaan aysan waxba ka jirin, isla markaana ay tahay arrin baal marsan sharciga.

Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb oo hooy u kala ah xildhibaanada Galmudug ayaa waxa ay noqoto meel ay xildhibaanada isaga soo kala jawaabaan waxaana Galmudug ay noqotay Maamul fadhiid ah oo kolba qolo ay ku cayaareyso.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments