Dowladda Soomalia ayaa sheegtay in Duqeyntii Xalay ka dhacday Magaalada Saakow lagu Dilay ku dhawaad 12 Dagaallame oo Alshabaab ka tirsan laguna dhaawacay Shiikh Xasan Yacquub cali oo Alshabaab u Magacabaan Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud.
Dowladda waxa ay sheegtay iyadoo taageero ka heleysaa Saaxiibbada Caalamka in Duqeynta lala eegtay Goob ay ku shirsanaayeen Xubno Al-shabaab ah oo tiradoodu ay ku sheegtay 31 Xubno oo isugu jira saraakiil iy mas’uuliyiin.
Duqeyn xalay warar soo baxaayay ayaa sheegayay in ay waxyeelo kasoo gaartay Carruur ku xareysneyd goob xanaano ah waxaana halkaa ku dhimatay seddex carruur ah inkastoo dowladda aysan weli ka hadal qasaaraha Rayidka kaoso gaaray duqeynta .