Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle maxamad cabdi waare ayaa shaaciyay in uu la heshiiyay dowladda dhexe ee federaalka.
Madaxweyne Waare ayaa sheegay in uu ka laabtay go’aankii shirkii kismaayo ee xiriirka loogu jaray dowladda dhexe isagona sheegay in dowladda uu kala heshiiyay khilaafkii kala dhaxeeyay hirshabeelle.
Kadib wada hadall maalmihii lasoo dhaafay muqdisho uga socday madaxweyne waare iyo madaxda dowladda federaalka ayaa lagud dhameeyay khilaafka .
Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdishoo ayuu ku sheegay in wixii tabasho ee jiray la dhameeyay, kaddib wada hadalo dhex maray Madaxda Maamul goboleedka Hirshabeelle iyo Madaxda dowladda Federaalka.
Madaxweyne Waare ayaa sheegay inay si buuxda ula shaqeyn doonaan dowladda Federalka, isla markaana ay yeelan doonaan wada shaqeyn.